BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Balad-xawo ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya goor dhaw ay si buuxda ugu wareegeen Magaaladaasi ciigacan ciidamada Dowlada Somalia ee uu hogaaminayo C/rashiid.
Ciidamada Dowlada ayaa si buuxda ula wareegay xarumaha Dowlada sida kan Degmada, saldhigii Booliiska iyo garoonka diyaaradaha waxaana hada dagan xaalada Magaaladaasi xili ay gacan ku heynta la wareegee Ciidamada Dowlada.
Dagaalka ayaa socday mudo asbuuc ku dhaw kaasoo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamada Dowlada Somalia ayaa isku fidiyay guud ahaan xaafadaha Magaalada Balad-xaawo ,wixii war ah ee ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
