Manchester City ayaa haatan si rasmi ah u shaacisay saxeexeedii lixaad ee ay ka samaysay gudaha suuqa xagaagan.

Sky Blues ayaa horeba suuqa ugala wareegay Erling Haaland, Kalvin Phillips, Julian Alvarez, Ortega iyo Gomez.

Haatan City ayaa shaacisay heshiiska daafacii dhexe ee Borussia Dortmund ee Manuel Akanji oo €17m ugaga yimid dhinaca Signal Iduna Park.

Akajni ayaa City u saxeexay heshiis shan sano ah wuxuuna la wareegay maaliyada No.25 oo uu hore Fernandinho kooxdaas ugu soo qaadanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here