Waxa la soo saaray isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh.
Kooxaha Real Madrid, Man City, Chelsea, Bayern, Benfica, Inter, Ac Milan iyo Napoli ayaa ogaaday kooxaha ay la ciyaari doonaan wareega xiga ee tartanka.
Kulamada ugu xiisaha badan ayaa ah Real Madrid VS Chelsea kaas oo ah kulamadii dhacay sanadihii ugu dambeeyay
Dhinaca kale kulanka sida weyn loo sugayo ayaa ah kulanka dhexmari doona kooxaha Man City iyo Bayern Munich.
Kulamada ugu horeeya ee wareega 8 dhamaadka ayaa la ciyaari doonaa talaadada April 11 iyo arbacada April 12.
Lugta labaad ayaa la ciyaari doonaa Talaadada April 18 iyo Arbacada April 19 iyada oo la ogaan doono kooxaha iska xaadiriyay Semi-final-ka tartanka.
Halkan Kaga Bogo Isku aadka oo dhaamsytiran:
Real Madrid Vs Chelsea.
Inter Milan Vs Benfica
Man City Vs Bayern Munich
Napoli Vs Ac Milan