Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa danjire Mohammed El-Amine Souef u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

inkastoo horey  loo ogaa in la magacaabi doono Mohamed El-Amine Souef, oo u dhashay dalka Comoros.

Sidoo kale Waajibaadka danire Mohammed El-Amine Souef ayaa ah inuu xiriir dhow oo joogto ah la yeesho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliya ee taageeraya hirgelinta qorshaha kala-guurka ee iyo geeddi-socodyada ballaaran ee dowlad-dhisidda Soomaaliya

hase ahaate Wuxuu si dhow ula shaqayn doonaa urur-goboleedka IGAD iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo sidoo kale saaxiibada labada dhinac iyo kuwa badan oo ay khusayso sida Qaramada Midoobay (UN) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Midowga Yurub (EU).

Sikastaba ha ahaate Si taas la mid ah, Guddoomiyaha  Midowga Afrika waxa uu si qoto dheer ugu mahadnaqay Danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay Mozambique oo xilkaan horey u hayey muddo 6 sano ah kaas oo uu ku ammaanay inuu si wacan u gutay waajibaadkii loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here