Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah hawlgalka AUSSOM ayaa saaka gudaha u galay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo sii wada howlgalka qorshaysan ee “Duufaanta Aamusan” ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
