MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Milateriga Somalia ayaa Caawa loo dejiyay laguna wareejiyay gaadiidka dagaalka culus sida Taangiyada iyo gaadiidka kale ee gaashaaman.
Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada Muqdiaho ayaa caawa shacab badan u taagan yihiin daawashada Taangiyada iyo gaadiidka gaashaam .
Milateriga Somalia ayaa lagu wadaa inay wax badan ka badali doonaan taatikadooda dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab madaama hub culus oo casri ah heleen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
