MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa Duhurnimadaan waxay isugu yeereen wariyayaasha xili tan iyo shalayba laga sugaayay inay go’aamo cusub ka soo saaraan aqbalaad ama diidid gogoshii uu Madaxweyne Xassan u dhigay.
Siyaasiyiinta Mucaradka oo ku balansan Hotel Jaziira waxaa lagu wadaa inay si rasmi ah u shaaciyaan mowqifkooda martiqaadka uga yimid Madaxweynaha Somalia 10-ka bishaan May oo ay maga xigto wax ka yar asbuuc.
Sida warar hore aan idinku soo gudbinay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Golaha mustaqbalka ka tirsan ayaa warbaahinta ka sii sheegay inay martiqaadka ogol yihiin laakiin ay wataan shuruudo ay ka mid yihiin in Dowladu joojiso wax ay ugu yeereen doorashada sharci darada ah.
Si kastaba wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan go’aanka mucaaradka iyo ujeedka ay wariyayaasha ugu yeereen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ Â
DAYNIILE.COM
