HomeWarkiiDEG DEG: Mucaaradka oo qaadacay casuumaada Madaxweyne Xassan

DEG DEG: Mucaaradka oo qaadacay casuumaada Madaxweyne Xassan

MUQDISHO (DSYNIILE.COM)- Siyaasiyiina mucaaradka ku ah Dowlada Madaxweyne Xassan uu hogaaminayo gaar ahaan Golaha Mustaqbalka ayaa goor dhaw shir jaraa’id ay qabteen waxay kaga hadleen 10-ka Bishaan May oo ku beegan maalintii Madaxweynuhu casuumay Mucaaradka.

Mucaaradka waxay shirkooda jaraa’id ku shaaciyeen in 10-ka bishaan May ay qabanayaan Muqdisho banaan bax weyn oo ay mu muujin doonaan sida u diidan yihiin barakicina shacabka reer Muqsisho.

“Shacabkii guryahooda laga barakiciyay waxaan leenahay soo baxa anagaa idin horkaceyno ,usoo baxa xuquuqdiina”ayuu yiri Musharax Madaxweyne Shariif oo afka mucaaradka ku hadlayay.

Sidoo kale Shariif wuxuu ku goodiyay in askarigii isku daya inuu shacabka caburiyo,handado kana hor istaago banaan baxa in lala xisaabtami doono.

Hadalka Mucaaradka ee ah inay 10-ka bisha qabanayaan banaan bax Dowlada ka dhan ah wuxuu si toos ah u cadeynayaa inay qaadaceen Shirkii Madaxweynuhu ku casuumay mucaaradka oo ah 10-ka bishaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -