HomeWarkiiDEG DEG: Mucaaradka Samata-bixinta oo durba war ka soo saaray Siyaasiyiinta iyo...

DEG DEG: Mucaaradka Samata-bixinta oo durba war ka soo saaray Siyaasiyiinta iyo Ganacsadaha Dowladu xirtay

Madaxweynihi hore Shariid Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa goor dhaw oo caawa saq dhexe ah war deg deg ah ka soo saaray xariga labada Ganacsade iyo siyaasiga.

Labada Ganacaade ayaa kala ah Cali Xaaji Iimaan iyo Cabdulqaadir Maxamud Cilmi (bulaale) halka siyaasiguna yahay  Cumar Cali Rooble oo ah Wasiirkii hore ee Awqaaffq iyo Arikaha Diinta. kuwaasoo ay Caawa  xabsiga dhigeen ciidamada amaanka Dowlada.

Qoraal uu Shariif goor dhaw soo dhigay barihiisa bulshada ayaa sidan u qornaa:-

Waxaan aad u cambaareynayaa islamarkaana aan sinnaba loo aqbali karin afduubka ka baxsan sharciga iyo dowladnimada ee caawa hay’addaha ammaanka dowladu ay u gaysteen xubno ka mid ah waxgaradka iyo haldoorka bulshada caasimadda oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsade Cali Xaaji iimaan iyo sidoo kale Gacansade Cabdulqaadir Maxamud Cilmi (bulaale).

Falkaan afduubka ah wuxuu waji gabax iyo ceeb ku yahay cid kasta oo soo abaabushay wuxuuna dhaawacayaa xasilloonida, amniga iyo kalsoonida bulshada ay ku qabi karto xukuumadda Federaalka ah oo markaan u soo dhar dhigatay, una bareertay ku xadgudubka karaamada shacabka iyo masuuliyiinta.

Waa in si deg-deg ah xoriyaddooda loo siiyo masuuliyiinta la afduubay waxaana Ciidamada ammaanka ku boorrinayaa inay ka fogaadaan in loo adeegsado danno siyaasadeed oo gurracan iyo cabburinta bulshada caasimadda taasoo hadda u muuqata inay xaduuda sharciga ah dhaaftay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -