XIGASHO LAACIB.NET
Bayern Munich iyo Chelsea ayaa mar kale heshiis cusub isku af-gartay kadib isjiid-jiid waqti badan qaatay.Nicolas Jackson ayaa saxiixay heshiis uu ku jiro qodob culus oo Bayern ku qasbaya iney xiddiga si toos ula wareegto sanadka 2026.
Heshiiskan cusub waxa uu yahay mid amaah ah oo ay Bayern la meel dhigtay laacibka, balse waxaa lagu daray qodob ku qasbaya kooxda inay si rasmi ah u iibsato Jackson xagaaga dambe, haddii shuruudaha lagu heshiiyay la buuxiyo . Lacagta amaahda ayaa la kordhiyay, iyadoo hadda gaareysa €16.5 milyan .
Jackson laftiisu waa inuu saxiixaa qandaraas shan sano ah oo uu Bayern kusii joogi doono, taas oo muujinaysa in dhinacyada ay si dhab ah u qorsheeyeen mustaqbalkiisa Munich .
Heshiiskan ayaa calaamad u ah in kadib isbedello iyo dib-u-dhac ku yimid heshiiskiisii hore, kooxaha ay mar kale dib ugu soo laabteen miiska wadaxaajoodka — iyadoo dhammaan dhinacyadu ay u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay heshiiska si rasmi ah u dhamaystiraan.
XIGASHO LAACIB.NET
