MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-War qoraala oo daqiiqado ka hor ay faafiyeen Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Ciidamadu Muqdisho ku qabteen nin dil ka geystay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Eedeysanaha la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed C/raxmaan Cabdullahi kaasoo Booliisku ku eedeeyeen  inuu gacantiisa ku dilay Marxuum Maxamed Xasan  kadibna uu Xamar u soo baxsaday.

Advertisement
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi, Kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan, dilkaas oo ka dhacay Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Booliiska waxay xuseen in eedeysanaha ay dhawaan cadaalada ay hor geyn doonaan si loogu qaado danbigiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and text that says "SOMALI POLICE FORCE ΡΑΥΒΤΑ GUUD CII OLISKA G.BAN SOMALI POLICE FORCE IIGGA XAMAR-"
Previous articleIsraa’iil oo quus taagan iyo dagaalka Gaza oo waqti dheer qaadanaya
Next articleDhoola cadeeynta Md. Xassan Sheikh ha ku sirmin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here