Wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaran Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay barqadi maanta nin la sheegay inuu katirsanaa Amniyaat-ka Al Shabaab.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu dhaawac ugeystay askari katirsanaa ciidamada Booliska Degmada Waaberi,balse Askar kale oo meesha ka dhawaa ayaa dilay gacan ku dhiiglaha xilli uu doonayey inuu baxsado.

Falka waxa uu ka dhacay degmada waaberi ayaa ciidamada Amaanku ay soo bandhigeen sawirro ninka la khaarajiyey kaas oo bistoolad uu watay sida la sheegay la dul saaray Meydka.

Ma jirto war kasoo baxay Taliska Booliska oo looga hadlayo Arintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here