HomeWarkiiDEG DEG: Dowlada Somalia oo hor timid Doorashada Qaasim Furdug ee Balcad...

DEG DEG: Dowlada Somalia oo hor timid Doorashada Qaasim Furdug ee Balcad ka dhacday 

BALCAD (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta ka dhacday Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe doorasho uu soo qaban qaabiyay maamulka Hirshabelle kaasoo lagu mar kale lagu soo doortay Gudoomiyaha Degmada BalcaD Mudane Qaasim Furdug .

Doorashada oo ay soo xaadireen xildhibaanada Hirshabelle ayaa lagu sanduuq la soo dhigay islamarkaana ay laba musharax fadhiyeen waxaa mar kale loo doortay Gudoomiyaha Balcad Qaasim Furdug oo awalba xilka hayay.

Markii doorashadaasi dhacday waxaa goor dhaw si degeg uga hadlay oo qaadacay doorashada Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Wasiirkaani wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshaeblle Cali Guud-laawe inuu jabiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhigayay in dalka ay kawada qabsoonto doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Wasiirka barihisia bulshada soo geliyay qoraal uu arintaani ka hadlayo ayaa intaasi ku daray in wax ku sheegay doorasho ku sheegta maanta lagu qabtay degmads Balcad ay meel Ka dhac ku tahay heshiisyadii ay horay u gaareen Golahaa Wada tashiga Qaran iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran.

“Waxaa nasiib darro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, ka socota Galmudug iyo koofur-galbeed uu Maamulka HirShsbelle ee Madaxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday”ayuu yiri Cali Balcad

Si kastaba inkastoo wali Hirshabelle ka jawaabin eeda Wasiir Cali Balcad hadana waxaa muuqata in khllaaf cusub uu soo kala dhexgaayo Maamulka Cali Guudlaawe hogaamiyo iyo Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -