Wararka aan ka heleyno degmada Baraawe oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose sidoo kalena ah Xarunta rasmiga ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha degmada Baraawe ayaa waxaa uu ka dhacay Busjeedada laga raaco Gaaddiidka aada dhinaca degaanka Kuunya-barow, waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay aheyd Goobta mid mashquul badan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa miinada dhulka la dhigo oo meelaha fog fog laga hago uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad Shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.

Wararka kusoo kordha qaraxa kala socda www.dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here