Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lau Aaso ee meelaha fogog laga hago ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay Maqaayad ku taalla degmada balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana qaarxa ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa la dhigay maqaayad laga cunteeyo oo lagu magacaabo Maqaayadda Bintood, taas oo kasoo horjeeda Xarunta Maamulka degmada balcad, halkaas oo ay inta badan tagaan Xubno kamid ah Shaqaalaha Maamulka degmada.

Wararka dayniile ay heleyso ayaa sheegaya in qaraxa khasaaraha ugu badan ee ka dhashay ay tahay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadkii ka cunteeynayay, waxaana Goobta tegay Ciidamada Maamulka degmada, kuwaas oo gurmad u sameynaya dadka dhaawacmay.

Wararka kusoo kordha kala socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here