Muqdisho(dayniiile.comm)-Jugta Qarax Miino oo meelo badan laga maqlay ayaa goor dhaw oo caawa ah ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Warar horudhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in qaraxaani lala eegtay gaari uu watay Taliye ku xigeenka Saldhiga Degmada C/casiis Mudane Cabdi Cali Raagge xili uu marayay inta u dhexeysa isgoyska Fagax iyo Siisii.
Advertisement
Wararka aan helnay waxay intaas ku darayaan in Taliyahu ka bad-baaday qaaxaasi balse ay 2 shacab ah ku dhaawacmeen kuwaasoo wadada marayay.
Xiliga Qaraxa uu dhacaayay waxaa la sheegay inay iska socden taliyayaasha afar saldhig kuwaasoo roondooyin amni isla sameyynaayay.
Wixii faahfaahin intaas dheer wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM