HomeWarkiiDEG DEG: Ra'iisulwasaare Xamza oo hada gaaray guriga Shariif Sh.Axmed

DEG DEG: Ra’iisulwasaare Xamza oo hada gaaray guriga Shariif Sh.Axmed

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goor dhaw oo caawa ah gaaray guriga Shariif Sh.Axmed isagoona doonaya inuu xaliyo talaabooyinkii caawa lagu hor istaagay madaxda mucaaradka Golaha Mustaqbalka sida Xasan Cali Kheyre ,Rooble iyo Shariif Sh.Axmed.

Xamza iyo Shariif Sh.Axmed ayaa hada waxaa u socda kulan gaar ah kaasoo looga wada xaajoonayo xalinta talaabooyinka ay caawa qaaday Dowlada Somalia taasoo ka careysiisay madaxda mucaaradka.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha waxaa lagu wadaa inay is arkaan Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo caawa isaga iyo ilaaladiisa laga soo celiyay xili uu rabay inuu galo xalane balse waxay ciidamada Dowladu la soo celiyen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wixii ka soo baxa kulamadaan uu caawa Xamza wado iyo isku daygiisa xalinta talaabadii ciidamada Dowladu caawa ku hor istaageen madaxda Mucaaradka wararkena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -