MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo maanta khudbad ka jeedinayay Shirweynaha 6aad ee Hoggaanka & Hal Abuurka ayaa ka hadlay hadaladii foosha xumaa ee Trump uu ku aflagadeeyay dadka iyo Dowlada Soomaaliyeed,wuxuuna uga jawaabay si fuleynimo ka muuqatay.
Xamze Cabdi Barre oo geesinimo looga bartay inuu su’aalaha shacabka uga jawaabo ayaa markaan su’aal dadweyne wuxuu arinta Trump kaga gaabsaday in Somalia kaliya uusan wax ka sheegin balse uu dalal dhowr ah oo afrika ah uu sidaas oo kale wax uga sheegay.
Ra’iisulwasaare Xamza wuxuu xusay in arintaasi intii wax weyn laga dhigi lahaa ay ka fiican tahay in halkeeda looga haro, Xamza ka masuuliyad Xukuumad ahaan wuxu diiday inuu si rasmi ah uga jawaabo hadal xumeynta Trump oo marar badan soo noqnoqotay.
Hadaba jawaabta Xamze halkaan ka daawo:-
