Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa goor dhaw si adag uga hadlay Dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo islamarkaana u dhexeeyay ciidamadiisa iyo kuwa PSF ee taageersan Dowlada Somalia.
Saciid Deni wuxuu ku eedeeyay Madaxweybe Xasan Sheekh dagaalka saaka ka dhacay Gaalkacyo xili uu horana ugu eedeeyay inuu hub ku soo daabulay Gobolka Mudug si dagaalo uu uga dhex huriyo Puntland iyo Galmudug.
Saciid Deni wuxuu xusay inaaney Puntland marna ka shaqeyneyn ciidan meel kale laga maamulayo islamarkaana ay iska qabanayaan,wuxuu intaasi ku daray dagaalkii ay saaka ku qaaday xerada ciidan ee ku taalay Gaalkacyo ay fariin u tahay sida uu sheegay cidkasta oo wadata wax lidi ku ah Puntland.
Faah-faahinta hadalka Saciid Deni halkaan hoose ka daawo:-
