Baydhaba (dayniiile.com)-Duleedka Magaalada Baydhabo waxaa saaka lagu toogtay sedex askari oo ka tirsanaa ciidamada kala duwan ee Maamulka Koonfur Galbeed ka howlgala kuwaasoo hore dilal u gaystay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qebteeda Maamuka Koonfur Galbeed ayaa hore dil toogasho ah ugu xukuntay Sedexdaan Askari oo ka kala tirsan Booliiska,Milatariga iyo daraawiishta,ugu danbeyna saaka ayaa la qisaasay.

Advertisement

Sedexda askari rabi ha u wada naxariistee ee saaka la toogtay waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed, C/waaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsanaa Militariga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Boliiska  ka tirsanaa.

Sida lagu sheegay warbaahinta Dowlada Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) iyo C/waaxid Cali Sheikh Aadan waxay beerta Qurun Jiis oo Baydhabo ku taal ku dhex Dileen marxuum Muxudiin Maxamed  Cabdiraxmaan 18-kii bishii June sanadkii  2018-kii.

Sidoo kale Cabdullaahi Ibraahim Yarow (Borow) isna wuxuu dilay Isgoowe Maxamed  Aadan bishii  June sedaxdeedii sanadkan 2023.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIIE.COM

May be an image of 3 people and tree

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here