Sida Warbaahinta Dowlada lagu sheegay howlgal qorsheysan ayay ciidamada Dowladu gaar ahaan kuwa sirdoonka qaranka ay ku dileenSarkaal sare oo Alshabaab ka tirsanaa.
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xuseen C/laahi oo ku magac dheeraa Caamir ayaa Alshabaab u qaabilsanaa Amniyaadka ama madax jabiska.
Howlgalkaan lagu bartilmaameedsaday Sarkaalkaani ayaa ka dhacay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan, waxaa sarkaalka lala dilay 10 ilaaladiisa ka mid ahaa,sidoo kale waxaa howlgalka lagu bur buriyay gaadiid badan oo ay wateen.
Taliska nabad sugida iyo sirdoonak qaranka ayaa lagu wadaa inay warsaxaafadeed ka soo saaraan howlgalkaan caawa ka dhacay Gobolka Hiiraan, sarkaalka la dilay wuxuu isku ahaa u qeynsanaha amniyaada ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
