HomeCiyaarahaDEG-DEG: Sesko oo iska diiday mushahaar weyn si uu u noqdo xiddig...

DEG-DEG: Sesko oo iska diiday mushahaar weyn si uu u noqdo xiddig Manchester United ah!

=XIGASHO LAACIB.NET=

Weeraryahanka reer Slovenia Benjamin Sesko ayaa la xaqiijiyay inuu si buuxda u doortay Manchester United, inkastoo Newcastle United ay u soo bandhigtay heshiis dhaqaale ahaan ka wanaagsan midka United, sida uu xaqiijiyay suxufiga lagu kalsoon yahay Fabrizio Romano.

– Advertisement –

Wararka ayaa sheegaya in Manchester United ay tahay kooxda kaliya ee uu yiri ciyaaryahanka “haa waan doonayaa”, iyadoo Sesko uu ogolaaday dhammaan shuruudaha shaqsiga ah isla markaana uu saxiixay qandaraas ku eg Juun 2030.

Red Devils ayaa durba gudbisay dalab rasmi ah oo gaaraya €75 milyan + €10 milyan oo gunnooyin ah, waxaana socda gorgortan ku saabsan faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska.

Newcastle United, oo dooneysay inay la wareegto 22-jirkan isla markaana u ballanqaadday mushahar sare, ayaa haatan ka baxday tartanka kadib markii Sesko uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro kooxda uu yaraantiisa jeclaa, Manchester United.

Haddii wax walba sida la filayo ku dhamaadaan, Sesko wuxuu noqon doonaa saxiix muhiim ah oo ku soo biira United ka hor xilli ciyaareedka 2025/26.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -