MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaw qoraal kooban uu soo saaray wuxuu si kulul uga hadlay xaqa dastuurka uu u siinayo inay dhigi karaan banaan bax nabadeed oo ay cabashadooda ku muujinayaan .
“Banaanbax iyo Xorriyadda hadalka waa xuquuq uu Dasturka Jamhuuriyadda Federaalka dammaanad qaaday ayadoon cidna fasax la weydiisaneyn.” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
Sidoo kale Shariif-ka ayaa Dowlada u hanjbay haddii laga hor istaagto inay iyaguna ka bixi doonaan xaqa fulinta ee dastuuriga ah ee loogu hogaansamayo awaamiirta dastuuriga ah sida uu qoraalkiisa ku cadeeyay.
“Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa”ayuu yiri Xildhibaan Shariif
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
