MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Shir u socday Gudiyada Joogtada ee Baarlamaanka Somalia islamarkaana uu shir gudoominayay Gudoomiye Adan Madoobe ayaa la soo sheegayaa in goor dhaw lagu kala kacay.
Shirkaan waxaa si gaar ah looga hadlayay sida aan xogta ku helnay wax ka badalka Dastuurka oo dhawaan Baarlamaanka la hor geynayo.
Qaar badan oo ka mid ah Gudoomiyayaasha Gudiyada Baarlamaanka oo tiradooda lagu sheegay 9 xildhibaan ayaa shirka oo socday ka soo baxay iyagoona islamarkiiba eedeyn ba’an u jeediyay Gudoomiye Adan Madoobe.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gudiyada qaar madaxda la ah islamarkaana shirka ka soo xanaaqay ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Aadan Madoobe waxaa ku dhaliileen inuu dalka kala qeybiyay.
Sidoo kale waxay ku eedeeyeen Gudoomiye Adan Madoobe inuu Baarlamaanka duminayo balse ay ka hor tagi doonaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
