HomeWarkiiDEG DEG: Shirkii Madxweyne Xassan iyo Mucaaradka oo natiijo la'aan ku soo...

DEG DEG: Shirkii Madxweyne Xassan iyo Mucaaradka oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday

May be an image of 12 people, suit and weddingMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar hada soo baxay ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirkii maanta ay lahaayeen Madaxweyne Xassan iyo mucaaradka kadib markii labada dhinac is mari waayeen si shirka loo bad-baadiyana madaxtooyadu dalbaday in dib loo dhigo.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxwene Xasan dalbaday in shirka dib loogu dhigo ilaa 13-ka bishaan oo ku beegan arbacada soo socota taasna ay aqbaleen siyaasiyiinta mucaaradka,warar ayaa sheegaya in kooxda madaxweynaha ku xeeran ay diidan yihiin tanaasulkiiisa islamarkaana taas ay keentay inay wada-tashi ka dalbadaan madaxweynaha.
Madaama qodobka ugu xasaasan la isku hayo oo Madaxweyne Xassan mucaaradku kula dhagan yihiin inuu ka laabto wax ka badalka dastuurka uu ku sameeyay ayaa hadana wararku waxay tilmaamayaan in madaxweyne uu wali wada-tashi uga baahan yihiin kooxdiisa Vilada .
Wararku waxay intaasi ku darayaan Madaxweyne Xasan hordhigay mucaaradka tanaasul aysan si fiican u soo dhaweyn mucaaradka taasoo ah in qaar ka mid ah cutubka afaraad ee dastuurka uu ka tanasulay halka mucaradku doonayan inuu gabi ahaanba ka tanaasulo.
Siyaasiyiinta uu hogaaminayo Shariif Sheekh Axmed ee la baxay

Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dagaalamaya in madaxwaynuhu si buuxda uga laabto dhamaan qodobadii uu wax ka badalay 2 sano ka hor ee dhanka dastuurka.

Dhanka kale labada dhinac waxay isku raaceen soo jeedin ka timid dhanka Madaxweynaha taasoo ahayd in dib loo dhigo warmurtiyeed laga soo saaro shirka madaama wali aaney dhinac u dhicin wada-hadalada labadaani dhinac ee Dowlada iyo mucaaradka samatabixinta.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -