HomeWarkiiDEG DEG: Taliyayaal sar-sare oo Dowlada ka tirsan iyo Mucaaradka oo galabta...

DEG DEG: Taliyayaal sar-sare oo Dowlada ka tirsan iyo Mucaaradka oo galabta iskula sugan Hotel Jazeera

MMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in galabta ay Hotel Jazeera iskula sugan yihiin Taliyayaal sare oo Dowlada ka tirsan,xubno ka mid ah mucaaradka iyo gudiyadii dhawaan dhex dhexaadiyay labada dhinac madaama berito tahay malintii mucaaradku iclaamiyeen banaan-baxa.

Saraakiisha Dowlada iyo Gudiga dhex dhexaadinta ayaa la soo sheegayaa inay iskula sugan yihiin hoolka 7-aad ee Hoteelka halka mucaaradku ay ku sugan yihiin holka 1aad walina xogta aan heleyno ma cadeyneyso inuu jiro kulan ay labada dhinac ku balamiyeen Gudiga dhex dhexaadinta.

Taliyayaasha Dowlada ee Hotelka ku sugan waxay kala yihiin Taliyaha Booliiska Somali iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, warar aan wali la xaqiijin aya sheegaya in dhamaan dhinacyada ay u shirayaan arimo ku saabsan banaan baxa berito.

Wararka kale ee aan haleyno ayaa sheegaya in Gudiga dhex dhexaadinta ay wadaan qorshe ay doonayaan inay isku soo hor ariisinayaan dhinacyada Dowlada iyo Mucaaradka si looga wada xaajoodo banaan baxa beri in wada shaqeyn dhanka amniga ah la wada yeesho madaama Hay’adaha amniga Dowladu u xilsaaran yihiin dhanka amniga  balse loo baahan yahay in la iska ilaaliyo wax kasta oo isku dhac keeni kara.

wixii war ka soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan Insha Allaah.

XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -