XIGASHO LAACIB.NET
Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa dul dhigtay Yamal iyo Lewandowski ganaax lacageed oo gaaraya €5,000, kaddib markii ay jebiyeen xeerarka ka hortagga maandooriyaha, kaddib ciyaartii lugta labaad ee Champions League ee ay Barcelona la yeelatay Inter Milan, sida uu qoray wargeyska Marca.
Labada ciyaaryahan ayaa lagu helay xadgudub Qodobka 21.8 ee Xeerarka maandooriyaha, kaas oo dhigaya in ciyaartoydu ay si toos ah u tagaan xarunta baaritaanka maandooriyaha isla markiiba ciyaarta kaddib.
Waxaa suuragal ah in ciyaartoydu ay illaabeen ama aysan dareensaneen waajibaadkaas, maadaama ciyaartaasi ay ahayd mid adag oo ay Barcelona guuldarro kala kulantay Inter wakhtigii dheeraadka.
Ganaaxa UEFA ayaa ah mid sharciyeed oo ujeedkiisu yahay in la ilaaliyo hufnaanta iyo daahfurnaanta tartamada Yurub, iyadoo aan loo oggolayn wax jabin ah oo ka dhan ah nidaamka la dagaalanka isticmaalka maandooriyaha ciyaaraha.
XIGASHO LAACIB.NET
