XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga reer Brazil ee Vinícius Jr. ayaa si cad u diiday heshiis kordhin cusub oo ay u soo bandhigtay kooxda Real Madrid, sida laga soo xigtay warbixin ay baahisay Cadena SER.
Inkasta oo uu qandaraaskiisa haatan soconayo ilaa 2027, Vinícius ayaa doonaya mushahar la mid ah midka uu helo saaxiibkiisa cusub ee Kylian Mbappé, kaasoo lagu qiyaaso €30 milyan sanadkii oo ay ku jiraan gunnooyin.
Sida laga soo xigtay ilo u dhow ciyaaryahanka, Real Madrid ayaa u bandhigtay Vinícius qandaraas cusub oo gaarsiisan €20 milyan oo ay la jiraan gunnooyin, balse xiddiga reer Brazil ayaan oggolaan heshiiskaas, waxaana uu dareemayaa in khalad loo fahmay xaaladda heshiis kordhintiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Vinícius Jr. ma doonayo inuu ka tago kooxda, waxaana si buuxda ay uga go’an tahay inuu sii joogo Santiago Bernabéu, isagoo ku kalsoon inuu sameyn doono xilli ciyaareed cajiib ah 2025/26 si uu u caddeeyo qiimaha uu mudan yahay.
Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa durba diyaarinaya kooxdiisa kulanka saaxiibtinimo ay la yeelanayaan WSG Tirol 12-ka Agoosto, iyadoo sidoo kale ay isha ku hayaan furitaanka horyaalka La Liga oo ay la ciyaari doonaan Osasuna.
Vinícius Jr. ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro qorshaha Alonso, waxaana uu si buuxda diiradda u saarayaa waxqabadkiisa – isaga oo rajeynaya inuu cadaadis saaro maamulka kooxda, si ay u aqbalaan mushaharka uu dalbanayo.

