HomeWarkiiDEG DEG: Wasiir Jaamac oo goor dhaw u soo jawaabay C/raxmaan C/shukuur

DEG DEG: Wasiir Jaamac oo goor dhaw u soo jawaabay C/raxmaan C/shukuur

Wasiirka Dekadaha Somalia oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa daqiiqado ka hor wuxuu barihiisa bulshada ku soo bandhigay qoral uu ugu jawaabayo C/raxman C/sukuur oo iska caawa isna qoraal uu qorey ku eedeeyay inuu wasiirka arimaha dibada Somalia oo sugayay dhigiisa Turey uu ka dulqaaday xili ay wada joogaan Magaalada Ankara.

Hadaba wasiir Jaamac jawaabtiisa degdeg ah ayaa sidan u qorneyd:-

*QAXAAN-QAXA SIYAASADEED*
Digaagaddu marka ukxameyso oo dhalmada billaabi rabto ayaa waxaa astaan u ah in qaxaan-qaxdo, balse waxaa jira digaagga qaar ka mid ah oo iska qaxaan-qaxa ukunna aanan dhalin.
Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur marki aan Wasiirka Cadaaladda noqday wuu iga daba qeylinayay, marki aan wasiirka gaashaandhigga noqday waa iga daba qeylinayay, hadda oo aan Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ahayna wuu iga daba qeylinayaa.
Isagu Wasiirna ma noqdo, Raisulwasaarena ma noqdo, Madaxweynena ma noqdo. Waxaan waayay wax aan ku sifeeyo oo aan aheyn qaxaan-qax digaagad ma dhasha ah.
Horay ayaa loo yiri “marba cidda qeylineysa hadey gadaashaada ka qeylineyso macnaheedu waa in aad ka horreyso oo kaliya”.
Hal arrin waan ogahay oo ah in Mashruuca Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka shaqeeyo ee qarandumiska ah iyo kan aan ka shaqeeyo ee qarandhiska ah in ay kala jeedaan, balse QAXAAN-QAX waa luqad digaag wax nin wayn uu fahmi karo maaha si looga jawaabo.
Cabdiraxmaanow anna shaqaa laygu ogyahay, adna qaxaan-qax aan dhamaan iyo ma gudbenimo siyaasadeed ee soo koorseey saaxibow.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -