Warar hoose oo ka soo baxaya kulanka u socda Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya inay jawaab ka bixiyeen talaabada Israa’iil iyagoona ku tilmaamay qiyaano qaran,waxaana shir gudoominayay Ra’iisulwasaare Xamza.
Xukuumada Somalia ayaa sheegtay in Israa’iil iyaduba aqoonsi ahaysan islamarkaana aysan awood u lahayn inay aqoonsato Maamulka Somaliland.
Sidoo kale Dowlada Somalia ayaa soo hadal qaaday heshiiska C/raxmaan Ciro la galay Yuhuuda taasoo ah inay shacabka Reer Falastii loo soo rarao dhulka waqooyi Galbeed ee la baxay Somaliland,waxayna Wasiiradu sheegeen in shacabka Falastiin aan loo soo rari karin dhul Soomaaliyeed, madaama ay leeyihiin dhul gaar ah iyagu ay leeyihiin .
Dhawaan ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo warsaxaafadeedka Golaha Wasiirada Somalia,xili sidoo kale madaxweyne Xasan uu ka hadli doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
