HomeWarkiiDEG DEG: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo goor dhaw shaaciyay in Dowlada Somalia...

DEG DEG: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo goor dhaw shaaciyay in Dowlada Somalia xiriir la leedahay Alshabaab

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Darr, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay gacan saar la leedahay Ururka Dhalinyarada Argagixisada ah, isla-markaana ay doonayso inay ku soo kordhiso.

Wasiirka ayaa sheegay in xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa ay ku dhex milmeen hay’adaha dowladda Federaalka oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida, isagoo soo jeediyay in hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeerayay qaar ka mid ah madaxda federaalka ay ka tarjumayaan – sida uu hadalka u dhigay – xiriirka ka dhexeeya.

Ciidid ayaa intaa ku daray in dowladda Federaalka ay xayiraad kusoo rogtay howlgallada ciidamada Puntland ee Almskad ee ka dhanka ah Daacish, si buu yiri ay gabaad uga dhigtaan argagixisada. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay doonayso in ay khalkhal galiyaan ammaanka iyo xasiloonida Puntland, taasi oo muujinaysa in qaar ka mid ah madaxda federaalka ay ogolaadeen in maleeshiyaad laga qoro maamulkaas.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in xubnaha Ururka Dhallinyarada ee Argigixisada ah ay qaataan kaararka aqoonsiga qaranka uu muujinayo – sida uu yiri – heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhaxeeya dowladda iyo kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay su’aalo weyn iska weydiinayaan jihooyinka madaxda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -