HomeCiyaarahaDEG-DEG: Xabi Alonso oo heshiis hordhac ah la gaaray Liverpool

DEG-DEG: Xabi Alonso oo heshiis hordhac ah la gaaray Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha reer Spain Xabi Alonso ayaa lagu soo waramayaa inuu gaaray heshiis afka ah oo uu ku noqon karo tababaraha xiga ee Liverpool ee xilli ciyaareedka dambe.

Sida uu sheegay wargeyska OK Diario, heshiiskan ayaa la sheegay inuu yahay qandaraas saddex sano ah, laakiin hirgelintiisu waxay si weyn ugu xirnaan doontaa waxqabadka tababaraha hadda ee Liverpool, Arne Slot.

Wararka ayaa sheegaya in haddii Slot uu ku guuleysto UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, heshiiska Alonso laga yaabo in gebi ahaanba la baabi’iyo.

Xiriirro aan rasmi ahayn oo u dhexeeya Alonso iyo maamulka Liverpool ayaa la sheegay inay bilaabmeen dabayaaqadii November, xilli Alonso uu cadaadis kala kulmayay kooxdiisii waqtigaas.

Liverpool ayaa markaas billowday inay sahamiyaan suurtagalnimada in ay dib ugu soo celiyaan Alonso Anfield, halkaas oo uu hore uga ahaa ciyaaryahan caan ah.

Arrintan waxay sidoo kale timid kadib xiisihii weynaa ee ay muujiyeen Liverpool iyo Bayern Munich xagaagii 2024, kadib markii Alonso uu sameeyay guul taariikhi ah oo uu ku qaaday hal horyaal gudaha Germany isagoo aan wax kulan ah laga badinin.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -