Waxaa la xabadeeyay xarunta xiriirka kubada cagta Turkiga iyadoo labo shaqsi oo looga shakiyay inay ka danbeeyeen la xiray.

Xiddigii hore ee Real Madrid, Bayern Munich iyo Galatasaray Hamit Altintop ayaa ka mid ah dadkii ka badbaaday isago sheegay inuu dhulka isku tuuray xilli xabado lagu furay dhismaha xarunta FA-ga Turkiga.

Sida ay sheegtay Hurriyet Daily News cidna waxba kuma noqonin weerarkaan.

Waxaa la sheegay in 11 xabadood la riday laakiin shan ka mid ah ay ku dhacday dhismaha xarunta xiriirka kubada cagta Turkiga.

Altintop oo ka mid ah madaxda xiriirka ayaa ka hadlay weerarkaan lagu soo qaaday xarunta xiriirka ee ku taala Istanbul.

Wuxuu yiir: “Waxaan isku tuurnay dhulka durbadii aan maqalnay xabada.”

Screenshot 2022 09 02 122956

Altintop oo ciyaaraha ka fariistay sannadkii 2018 isagoo 82 kulan u saftay xulka Turkiga ayaa dhawaan qabtay isku aadka wareega group-yada Champions League.

Wuxuu Real Madrid la qaaday horyaalka La Liga sannadkii 2012, halka uu Bayern Munich la qaaday labo Bundesliga halka uu Galasaray kula guuleysatay labo Super Lig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here