Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaw war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiran kaasoo ugu danbeyn Alshabaab ay ku qabsadeen Magaaladaasi.
Xassan Cali Kheyre aya si kulu uga hadlay dagaalkaasi isagoona ku eedeeyay masuuliyada darada Dowlada xageeda ka timid inay ku dhacday in Alshabaab maanta ku qabsadaan Magaalada Maxaas.
Hadaba halkan ka akhriso Qoralka Kheyre oo sidiisa u qoran:-
Waxaan qoysaskooda, shacabka gobolka Hiiraan, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida halyeeyadii macawiisleyda beesha Xawaadle ee ku shahiiday dagaalkii maanta ka dhacay degmada Maxaas. Waxaan Alle ka baryayaa in uu jannada ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday dagaalka, una boogadhayo kuwii ku dhaawacmay.
Waa dayac, masuuliyad-darro, iyo qorsho-xumo dowladeed in ay argagaxisadu maanta gacanta ku dhigaan degmada Maxaas oo 12-kii sano ee la soo dhaafay ku jirtay gacanta dowladda. Waxaana ayaandarro ah in ay dowladdu macawiisleyda ku fiirsatay dagaalka oo ay ku kaliyoobeen la-dagaallanka argagaxisada.
Waxaan bogaadinayaa halyeeyada macawiisleyda beesha Xawaadle oo naftooda u huray in ay dadkooda iyo deegaannadooda ka difaacaan argagaxisada arxanka daran. Waxaana madaxda Dowladda Federaalka, Hirshabeelle, iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in degdeg loogu gurmado, si wadajir ahna dalka looga xoreeyo argagaxisada ku soo duushay diinta, dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
