MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Xaafadaga kala duwan ee Degmada Dayniile Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal kadib markii goor dhaw ay soo buux dhaafiyeen maleeshiya beeleed ka soo jeeda Degmadaasi oo ku heyb ah Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Maleeshiyaadkaani ayaa baasuukayaal iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ku hubeysan waxayna fuuleen guryaha dabaqyada iyadoo wararka aan heleyno ay sheegayaan inay ka soo horjeedaan burburinta ciidamada Dowlada ay ka wadaan qaar ka mid ah xaafadaasi.
Maleeshiya beleedkaani ayaa la soo sheeayaa inay wacad ku mareen inay xaafadhaasi ka difaacan doonaan ciidamada Dowlada oo ay ku eedeeyeen barakicin iyo burburin sharci daro ah xili ay ku doodayaan in dhulal dad shacaba ay leeyihiin Dowladu dooneyso inay xoog ku qaadato halka wararka dhanka Dowladna ay yihhiin inay amreen dhulka danta guud in laga baxo.
Dadka shacabka ayaa ka cabsanaya in lagu dul dagaalamo waxaana lagu arkyaa muuqaalo laga soo duubay dadweyne badan oo isugu soo baxay halka xiisadaha dagaal ka taagan yihiin ,sidoo kale muuqaalka waxaa lagu arkayaa maleeshiya beeleedka oo saqafka kore ee dabaqyada saaran.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
