MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Xaafada Ood-weyne Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhaw gaareen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kuwaasoo markiiba buur ka abuuray halkaasi,waxaana soo baxaya warar kala duwan.
Xaafada Ood-weyne loo bixiyay oo ah xeradii taangiyada ciidamada Milateriga Somalia ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii Dowladii kacaanka waxaa deegaansaday halkaasi dad shacaba kuwaaasoo guryo ka dhistay, ugu danbeyna la magac baxday xaafada Ood-weyne.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku doonayaan inay dadka ka saaraan halkaasi madaama dhul Dowlo ay tahay halka warar kalana sheegayan inay Dowladu ogashahay in dadka dhulka loo sharciyeeyo balse ay diidan yihiin qidmad Dowladu ku soo rogtay.
Dadka deegaankaani ayaa buuq iyo rabshado kala hor yimid ciidamada Booliiska waxaana hada la soo sheegayaa in xiisada meesha ka taagan ay durba keentay in ciidamadu rasaas adeegsadaan islamarkaana dhowr qofood ilaa iminka ku dhaawacmeen inkastoo warar sugan iyo cadeyn aan wali laga helin in rasaas la furey ay dad shacaba ku dhaawacmeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
