Muqdisho (dayniiile.com)-Xildhibaanada Labada aqal ayaa saaka u fadhiistay mooshin maalmahaan hor yaalay kaasoo ahaa meel marinta Miisaaniyad sanadeedka Dowlada ee sanadka soo socda 2024.

Markii shirku bilowday Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey Mooshin ay ku dalbanayaan in Aqrinta 2-aad iyo 3-aad ee qoondo Miisaaniyadeedka 2024

Advertisement

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux guddoomiyaha Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa isna  Xildhibaanada Labada gole ka hor akhriyay wax ka bedelka Miisaaniyadda 2024.

Markii loo gudbay cod u qaadista miisaaniyada ayay ugu danbeyn cod buuxa ku ansixiyeen xildhibaanada labada aqal miisaaniyada sanadeedka 2024.

Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi-Xaashi C/llaahi oo maanta shir gudoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo sheegy in 188 xildhibaan ay u codeysay ansixinta sidaasna uu ansax ku yahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa markaa kadib  Xildhibaanada Labada Aqal uga mahadceliyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleRuushka iyo Iimaaraadka oo Musiibo ku tilmaamay Talaabadii Mareykanku ku diiday Xabad joojinta Gaza
Next articleKulanka Xasan Sheekh iyo Ismaaciil C.Geelle ka hor shirka IGAD+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here