NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxa Magaalada Nairobi ku sugan islamarkaana halkaaa ka soo hadlay Isaaq Cali Subag oo ah Xildhibaanka Beesha Jiroon ee la sheegay in galabta kursigiiaa Hop#204 loo dhacay laguna wareejiyay Wasiir Jaamac.
Xildhibanka wuxuu si cad u sheegay in kursigiisa la boobay islamarkaana uusan jirin wax uu kala socday,kaliyana uu ka war helay in Baydhaba Galabta loo fadhiyay doorashada kursigiisa.
“Aniga bishaan xitaa mushaarkeyga waa la iisoo direy hadii xitaa aan dabbiile ahay la iima soo diri lahayn,waa la yaab xildhibaan shaqadiiaa wata soo taagan in hadana la boobo taasoo cadeyn u ah nuuca doorasho ee Madaxweyne Xasan uu wado”ayuu yiri Xildhiban Isaaq Cali Subag
