HomeWarkiiDEG DEG: Dagaal u dhexeeya Dowlada iyo Xasan Cali Khayre oo Muqdisho...

DEG DEG: Dagaal u dhexeeya Dowlada iyo Xasan Cali Khayre oo Muqdisho ka qarxay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xogaha aan heleyno  goor dhaw oo  ku beegan 5-ta Galabnimo ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay guriga Xildhibaan Jacfar oo xalay uu u degay Ra’iisulwasaarihii hore  Xasan Cali Khayre kaasoo ku yaal Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka wuxuu  u dhexeeya ciidamo Dowlada ka tirsan iyo ilaalada Siyaasiga Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Jacfar walina rasaastu waa socotaa.

Wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in rasaas iyo hub waa weyn la isu adeegsanayo dagaalka walow aan wali faah faahin laga helin  hadii ay jiraan khasaare nafeed oo dhinacyada soo kala gaaray.

Waxaa xusid mudan in guriga Ciidamada Dowladu weerareen ay ku wada sugnaayeen Siyaasiyiinta iyo dhaqanka Beesha Mursade sida Xasan Cali Khayre,Xildhibaan Jacfar iyo Ugaaska Beesha Mursade.

Wixii war ku soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan kartaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -