HomeCiyaarahaDEG-DEG:Darwin Núñez oo si rasmi ah uga tegay Liverpool

DEG-DEG:Darwin Núñez oo si rasmi ah uga tegay Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in weeraryahankooda Darwin Núñez uu dhammeystiray heshiis uu ugu wareegayo kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al Hilal.

Reds ayaa oggolaatay inay Núñez ku iibiyaan £46.2 milyan oo lacag joogto ah, iyadoo heshiiska lagu daray qodobo dheeri ah oo qiimaha guud ka dhigi kara ilaa £56.6 milyan.

“Dhammaan kooxda waxay uga mahadcelineysaa Darwin dadaalkii uu soo muujiyay, waxaana u rajaynaynaa isaga iyo qoyskiisaba guul mustaqbalka,” ayaa lagu yiri bayaanka rasmiga ah ee Liverpool.

 

Saddex sano kadib markii uu Anfield kaga soo biiray Benfica isagoo ku yimid £64 milyan, Núñez ayaa Liverpool ka tagaya isagoo dhaliyay 40 gool 143 kulan oo uu saftay, isaga oo sidoo kale kula guuleystay Premier League iyo Carabao Cup.
XIGASHO LAACIB.NET

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -