GUDDIGA AAYO KA TASHIGA DHULBAHANTE IYO FUOSHINI

08/01/2003

UJEEDDO: WAR MURTIYEED:

Waxaa
shir isugu yimid qaybo ka mid ah
Aqoonyahanka, dhalinyarada iyo dhamaan
Isimada, Cuqaasha, Culimada,
qaybaha bulshada ee dhulbahante iyo
fuqshini taariikhdu markay ahayd 06/08/01/2023 Shirkaas oo lagaga tashanayey
aayaha, Xasiloonida, Bedqabka iyo jiritaanka umudda
SSC, Gudigu markay
yeclatahay kulamadoodii ugu horeeyey qilmaysayna xaalada wadanka, ayna araglay
kacdoonka shacabka dal iyo debedba, markay aragtay fashilka amniga gobolka ee ka
yimid mudadii Soomaaliland gacanta ku haysa maamuulka gobolka, markay aragtay
dilalka joogtada ah ee aan xal loohaynin, markay aragtay tayactiyada iyo xooga
dheeraadka ah ee isdaba jooga ah ee loo isticmaalay dadka shacabka, markay aragtay
godoominta Iyo ixsaarka ay sameeyeen ciidamada Soomaaliland ee ku hareeraysan
magaalada laascaanood,
markay aragtay
diidmada
shacabka
ee
Maamulka
Soomaaliland, Markay aragtay quwadaha iyo Ciidamada u dhashay gobolka ee ku soo
wajahan magaalada Laascaanood, Markay aragtay Qaxa iyo Barakaca sida xawliga ah
uga socda magaalada waxay go’aamisey:

1- Guddigu waxay ka tacsiyeynaysaa dadkii ku dhintay tacadiyadii ka dhacay magaalada
kuwii ku dhaawacmayna ilaahay waxay uga baryayaan caafimaad.

2- Waxay guddigu cadaynaysaa in wixii khasaare ka dhacay magaalada Naf iyo maaalba uu ka
masuul yahay Maamulka Soomaaliland.

3- In ay ka baxaan ciidamada Soomaaliland ee aan u dhalan deegaamada dhulbahante iyo
Fuqshini maadaama aysan ku imaanin rabitaanka shacabka si loo helo nabadgelyo,deris
wanaag iyo Wada noolaansho.
4- In dhulbahante iyo fuqshini u madax banaanaadaan taladooda lagana joojiyo faragelinta lagu
hayo.
5. In Amniga iyo Maamulka gobolka lagu wareejiyo climada iyo maasuuliyiinta dhulbaliante

iyo fuqshini si kumeel gaadh ah.
6- Inay shir isugu yimaadaan Isimada, Cuqaasha, Culimada, Siyaasiyiinta, Agoonyahanka,
Ganacsatada, Qurbajooga iyo qaybaha bulshada ce dhulbahante iyo fuqshini si looga tashado

masiirka, Aayo ka tashadka iyo mustaqbalka umadda.

7- In ay ciidamada bannanka jooga ee dhulbahnate ku sugnandaan goobahooda kana warsugaan
talada dhulbahante iyo Fuqshini wax Qalalaasa ahna aysan gaysan.

8. In magaalada laga ilaaliyo dagaal ka dhaca loona tudho dadka shacabka ah iyo bulshada ku
nool.

9- In dadka shacabka ay isdejiyaan qaxana joojiyaan kana warsugaan Shirweynaha dhulbahante
iyo Fuqshini

10- In shacabku ilaaliyaan Hantida umadda mid guud iyo mida gaar haba dhamaanteed.

11- Gudigu waxay ka digayaan cid kasta oo faragelin iyo xagal daacin ku haysa talaada

dhulbahante iyo fuqshini

12- Guddigu waxay u mahad celinayaan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo qaban qaabiyey
Shirkan qayb laxaad lehna ka qaatay xaalada gobolka.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here