In ka badan 20 Cabdi Bile oo isugu jira Millatari iyo Booliis oo uu wato Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa caawa ku honaya Shiirkole oo deris la ah wasaaradda gaashaanigga Soomaaliya.

Saadaq iyo Ciidankiisa ayaa hadda wada dhaqdhaqaaqyo Ciidan, waxaana la filayaa in Ciidamo kale ay ku soo biiraan.

Dowladda ayaa dhabar jab weyn u aragta in Gen. Saadaq Joon uu garabkooda ka baxo, 4-tii sano ee lasoo dhaafay ammaan ay huwinayeen kuwa xukuumadda baraha Bulshada ka taageera ayaa hadda maalmahan billaabay iney caayaan Generalka.

Saadaq Joon dhaqdhaqaaqyadda Ciidan ee Xamar uu ka wado ayaa waxaba kama jiraan ka dhigaysa wararka la faafiyey ee ah in Muqdisho uusan joogin oo Jabuuti uu ku sugan yahay.

Ali Adan Mumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here