Ciidamo katirsan NISA oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa isku dayayry ilaa shalay iney xoog ku marsiiyaan garoonka dad aan la aqoon iyadoo ay ka biya diideen shaqaalaha Hay’adda Socdaalka, intaas kadib NISA ayaa isku dayday iney xoog ku xalliso wax walba.

Dabadeed waxaa dhacday isfahmin waagaas kadib in gacan ay iskula tagaan shaqaalaha Garoonka ee hay’adda Socdaalka iyo NISA xubnaha ka tirsan.

Qeybta ay ka soo dagaan dadka dibadda ka imaanaya ee International ka ayaa la isku farasaaray waxaana la jajabiyey muraayadihii garoonka ee qeybtaas.

Rakaab saarnaa diyaaradda Turkish Air line oo ajaanin iyo Soomaali ka kooban ayaa iska yaacay oo wadanka galay iyagoo aan marin Imagration ka.

Computer-dii ay ku shaqeynayeen shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la burburiyey, waxaana gabi ahaanba istaagtay shaqadii garoonka.

Xaalka goobta muuqaal iyo sawir ba halkan isha ku hay oo IlaJoog si aad u hesho dhammaan xogahaas.


Ali Adan Mumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here