MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa goor dhaw waxay xilkii qaadeen taliyihii Ciidamada Milatariga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raagge oo sanadihii ugu danbeeyay soo hayay xilkaas xili Dowladii horana uu isla xilkaan soo qabtay.
Golaha Wasiirada waxay xilka u magacaabeen General Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaasoo horey u ahaa ahaa Taliyaha Taliska Taakulada Guud ee Ciidamada Xoogga dalka.
Lama yaqaan ujeedka dhabta ah inkastoo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu ka hor yimid dhul ciidamada Xooga leeyihiin oo Dowladu rabtay inay la wareego walow aan warkaasi noo sugneyn wali.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
