#Degdeg:- Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa weydiistay Maxkamadda Sare in gebi ahaanba la laalo/ laga noqdo dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin, taas badalkeedana ay taageerto go’aanka Guddiga FEIT ee ah in dib loogu celiyo doorashada kursigaas.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo xiganaya dhammaan heshiisyada doorashada ayaa soo bandhigay qodobo aad u fara badan kuwaas oo meesha ka saaraya waxyaabaha uu ku dacwoonayo qareenka u dooddaya Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Garyaqaanka guud waxa uu muujiyay in Maxkamadda Sare aysan xaq u lahayn in gasho dacwadaan sababo la xariira in aan lagu xusin habraacyada doorashada ee dalka.

Arrintani waxa ay caqabad ka dhigi doontaa in Maxkamadda Sare ay qaadato go’aan lid ku ah go’aankii Guddiga FEIT, dhanka kale-na waxa ay rajadiisa god dheer kusii rideysaa Fahad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here