Ilaa shan dagaalame oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha Galmudug, iyagoo ka faa’iideysanaya Cafis Madaxwaynaha Galmudug uu dhawaan u fidiyay dhalinyarada ka barbar dagaalantay maleeshiyada Ahlusunna ee laga saarey Guriceel.

Wasiirka dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa dhalinyaradan soo dhaweeyay isagoo ku amaaney go’aanka ay qaateen, waxa uu intaa raaciyay in wali uu furanyahay cafiska Madaxwayne ayna fursadaasi ugu baaqayaan in ay kawada faa’iideystaan dhalinyarada la qalday, iyadoo dowladu u balan qaadayso in loo fasaxo mushaarkooda iyo xuquuqaadka kale.

Madaxda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo dhaweeyay askar iyo saraakiil kasoo goostay maleeshiyada uu hoggaamiyo Sheikh shaakir ee ku sugan deegaanka bohol ee Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here