Degmada Balcad oo xalay Hooy u noqotay madaafiic

0

Madaafiic ayaa xalay saqdii dhexe la isku weydaarsaday degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Duqeynta ayaa bilaabatay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic ah ku weerareen saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin agagaarka Ex-Warshadii dharka Balcad oo ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmadaas.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay iney dhankooda ku jawaabeen madaafiic kale oo ku habsaday beero ku yaalla duleedka degmada Balcad halkaasoo ay tuhmeen in laga soo riday madaafiicda hore.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda noo khal khal xoogan iyo cabsi ku abuurtay shacabka degmada Balcad.

Dad ku nool degmada Balcad ayaa sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay soo bateen weerarada Madaafiicda ah ee lagu qaado Saldhiga Ciidamada AMISOM ee ee degmadaasi Balcad,  kuwaasoo Al-shabaab ay ka soo ridaan beero iyo keymo ku yaalla duleedka degmadaas.

Maamulka degmada Balcad iyo taliska ciidamada AMISOM ayaan ka hadlin duqeymaha ku soo batay degmadaas xiliyada habeenkii.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here