CEELDHEER (DAYNIIILE.COM)-Wararka inaga soo garaayo bariga galgaduud ayaa shegaaya in ciidamada huwanta ah ay kala waregeen ururka alshabaab Demada Ceel-dheere.

Sedex saac ka dib qabashadii mesegawaay ee maanta ururka 17 aad ee meletiriga soomaaliya iyo xoogaga degaanka ayaa gudaha u galay degmada Ceeldheer.

Advertisement

Wararka ayaa intaa ku deraya in uusan wax dagaal ah ka dhicin oo ay al shabaab iskaga baxeen ka hor inta aysan ciidanka dowlada iyo kuwa degaanku soo gaarin.

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gor-gor  Saahid Jaamac Faarax ayaa goor dhaw lagu wadaa inUU saxaafada u faahfaahiYO howlgalkooda ay kula wareegeen Degmada Ceeldheeer,taliyaha mar uu si kooban u hadlaayay wuxuu xaqiijiyay inay alshabaab ka saareen Ceel-dheer.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHogaamiyaha Xamaas oo Masar u tagay  xabad jooointa Gaza
Next articleXildhibaano Mucaarad ku ah Dowlada oo eedeyn ba’an u jeediyay Ra’iisulwasaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here