GAL-HAREERI (DAYNIILE.COM)-War dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Degmada Gal-hareeri ee Gobolka Galgaduud.

Wararkaani waxay tilmaamayaan in duqeynta lala eegtay fariisimo Alshabaab ku lahaayeen Gel-hareeri, waxaana duqeynta lagu dilay qaar ka mida Saraakiishii iyo dagaalyahanadii Alshabaab ee halkaasi ku sugnaa.

Advertisement

Duqeymahaan waxaa fuliyay dalalka saaxiibada la ah Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Drons-ka Mareykanka.

Saraakiisha Dowlada ee ka hadashay weerarkaani waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka lagu dilay saraakiil badan oo alshabaab ah ayna mar dhaw faahfaahin doonaan khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleArdey Somali ah oo meydkiisa laga helay Iskuulkiisa oo ku yaal Nairobi
Next articleQaban qaabada aaska Meydka Macalin C/raxmaan Maclow oo Saaka ka socota Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here