Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar, oo ku eedaysan aflagaado madaxeed iyo anshax-xumo.
Falka ay ku kacday ayaa ah mid dhaawacaya sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmaraya Dastuurka iyo shuruucda dalka u dejisan, Eedeysanadu waxay ku jirtaa gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxay ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo ku kacay falal isugu jira anshax-xumo iyo aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, Muwaadin haddii aad aragto qof ku kacaya falal lid ku ah anshaxa iyo shuruucda dalka u dejisan, fadlan xogtiisa u gudbi saldhigga kuugu dhow, si Booliisku uga qaado tallaabo habboon oo waafaqsan sharciga.
—DHAMMAAD—
